War Deg Deg Ah Is rasaaseyn xoogan Goordhaw laga maqlay Magaalada Paris (Daawo Sawirada)

18.11.2015 08:49

Wararka ka imaanaya Magaalada Paris ee Xarunta Dalka Faransiiska ayaa sheegaya in goordhaw Magaaladaasi laga maqlay is rasaaseyn xoogan oo u dhaxeysa Ciidamada amaanka iyo Kooxo hubeesan oo la tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen Weerarkii habeeno kahor ka dhacay Paris.

Ciidamada amaanka Magaalada Paris ayaa weerar ku qaaday guri ay ku thmeen in ay ku sugan yihiin kooxo xagjir ah, Ciidamada ayaana rasaas culus kaga timid guriga ay weerarka ku qaadeen, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhaceysa.

Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Paris gara ahaan agagaarka Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Deni ayaa la xiray, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamo iyo gaadiidka gurmadka deg dega.

Muuqaal la daawaday ayey Ciidamada amaanka ku ogaadeen in uu jiro qof sagaalaad oo ka qeyb qaatay Weerarkii dhawaan ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Paris ee lagu dilay dad gaaraya 130-qof.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET