War Deg Deg Ah " Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntiland oo Goordhaw is casilay kana hadlay sababta
28.10.2015 09:37Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in goordhaw uu is casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntiland Siciid Xasan Shire .
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goordhaw Warbaahinta Shir jaraa'id ugu qabtay Magaalada Garawe ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntiland, waxa uuna sheegay in uu dareemay cadaadis xoogan oo isaga la saaray.
Siciid Xasan Shire ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay Ciidamo uu sheegay in lagu soo daadiyay Xarunta Golaha wakiiladda ee Garowe, iyo Culeys Uu Kala Kulmay Xildhibaano Kale oo Uu Sheegay iney u arkeen inuu ka hor istaagay su’allo ay weydiin lahaayeen Madaxweynaha, iyo Arimo Kale.
Xildhibaano gaaraya 40-Mudane oo katirsan Baarlamaanka Maamulka Puntiland ayaa shalay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaanadan dadaal ugu jireen sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa ku eedeynaya Gudoomiyaha in uu gudan waayey shaqadiisa iyo qodobo kale oo la xiriira musuq maasuq,waxa kale ay ku heestaan in gudoomiyaha uu baajiyey shaqooyin muhiim u ahaa Baarlamaanka Puntiland.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka