War deg deg ah Ciidan ka socdo Madaxtooyada Somaliya oo maanta gaaray Magaalada Cadaado
13.04.2015 22:38Boqolaal ka mid ah Ciidanka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxay galabta gaareen Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Ciidankan, ayaa waxaa Garoonka Cadaado ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).
Ciidamada Madaxtooyada Somaliya ka socdo, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan suggida ammaanka Magaalada Cadaado, maadaama Arbacada uu ka furmi doono shirka lagu doonayo in Maamulka Gobolada Dhexe lagu soo dhiso.
Ammaanka guud ee Magaalada Cadaado, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xaqiijinta amniga iska kaashanaaya Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Xoogaga Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa Talaadada lagu wadaa inuu u amba baxo Magaalada Cadaado, si uu kaga furo shirka.
warar sugan kala soco
shabakada caalamigaa
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte@gmail.com
———
Tillbaka