War Deg Deg Ah Aqriso Sida Beelaha Dega G/Dhaxe loogu qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka u matalaya Maamulkasi
12.06.2015 11:14Waxaa xalay Magaalada Cadaado kulan ku yeeshay Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe iyo Odayaasha dhaqanka ee ku xareesan Xarunta Kafaalo kuwaa oo matalaya beelaha Dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Odayaasha Beelaha Dega Gobolada Dhaxe ayaa loo qeybiyay foomamka la doonayo in ay kusoo buuxiyaan Xildhibaanada Beelahooda umatalaya Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya.
Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe yeelanayo ayaa ka koobnaan doona 78-Xildhibaan waxaana loo qeybiyay beelaha Dega Gobolada Dhaxe, waxaana Xusid mudan in beel kamid ah Beelaha Dega Gobolada Dhaxe aysan Shirka ka qeyb galay beeshaas oo ah Shiikhaal.
Halkan ka Aqriso sida Beelaha Dega Gobolada Dhaxe loogu qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka
1-Beesha Habar Gidir 24-Xildhibaan
2-Beesha Mareexaan 14-Xildhibaan
3-Beesha Murusade 12-Xildhibaan
4-Beesha Dir 8 Xildhibaan
5-Beesha Waceysle Abgaal 7-Xildhibaan
6-Beesha Duduble 7-Xildhibaan
7-Beesha Shiikhaal 3-Xildhibaan (Shirka ma joogaan)
8-Beesha Shanaad 3-Xildhibaan
Odayaasha Dhaqanka ee matalaya Beelaha Dega Gobolada Dhaxe ayaa laga codsaday in ay si deg deg ah usoo gudbiyaan liiska Xildhibaanada Baarlamaanka u matalaya beeshooda, waxaana la filayaa in Baarlamaanka marka lasoo dhiso ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhaxe.
———
Tillbaka