War Deg Deg ah: Aqriso Qaabka Loogu Qaybiyay Beelaha Dega G/ Dhaxe Xildhibaanada Maamulka Cadaado lagu dhisayo
01.06.2015 21:35Shabakada runtanews.net ayaa heshay xog ku aadan sida loogu qeybiyay Beelaha Dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug Xildhibaanada la filayo in dhawaan uu yeesho Maamulka Dhismihiisu uu kasocdo Magaalada Cadaado.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe loo dhisayo ayaa la sheegay in ay noqon doonaan 65-Xildhibaan , waxaana Beelaha Dega Gobolada Dhaxe Xildhibaanada loogu qeybiyay qaab deegaan ah sida aan Wararka ku helnay.
Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe ayaa iyagu soo dooran doona Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulkaasi, waxaana dhawaan Odayaasha Beelaha ku shirsan Magaalada Cadaado laga sugayaa in ay soo gudbiyaan Xildhibaanada beelahooda u matalaya Baarlamaanka Gobolada Dhaxe.
Halkan ka Aqriso Sida Beelaha Loogu qeybiyay Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe
1- Beesha Habargidir 19 Xildhibaan
2- Beesha Mareexaan 12 Xildhibaan
3- Beesha Murusade 10 Xildhibaan
4 -Beesha Dududble 6 Xildhibaan
5- Beesha Wacaysle 6 Xildhibaan
6 - Beesha Dir 6 Xildhibaan
7- Beesha Shiikhaal 3 Xildhibaan
8-Beesha 5 -aad 3 Xildhibaan
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka