War Deg Deg Ah Alshabaab oo Saddex Askari oo Kenyaati ku dilay Deegaanka Taabta

19.04.2015 14:23

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay jidka u galeen Kolonyo Gaadiid oo ay wateen Ciiddanka Kenya ee qeybgta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ku sugnaa Deegaanka Taabto ee Gobalka J/hoose.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Alshabaab shalay jidka u galeen Ciiddanka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen 3-Askari, iyadoo 8 kalena la dhaawacay.

Saraakiisha Ciiddanka Kenya ayaa sheegay in askarta la dhaawacay gaariga kaga gudbeen xuduudka Somalia iyo Kenya, ka hor intaanan  Askartaasi loo duulinin magaalladda Nairobi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhulka hawdka ee  ee duleedka Taabta.

warar susugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET