WAR DEG DEG AH 70 KU DHIMATAY WEERARKA GAARISA

02.04.2015 19:42

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay in kabadan 70 qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay ururka al-Shabab ku qaadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya.


Dableyda ayaa wali gudaha ugu jirta jaamacadda, waxayna ku dhex-haystaan arday aan tiradooda wali la sheegin.

Ciidamada amniga ayaa iyaguna ku hareeraysan jaamacadda, waxaana socda howgallo ay doonayaan inay gudaha ugu galaan kuna soo bad-baadiyaan dadka ku jira Jaamacadda.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka.

Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

warar sugan kala soco

shabakada caalamigaa

runtanews.net

Nagala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET