WAR CUSUB:SOMALIYA OO HESHAY HAB AY KU CIRIBTIRTO AL-SHABAAB.
08.03.2015 00:10Dowladda Somalia ayaa markii ugu horeeysay shaaca ka qaaday inay adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno drones si ay ugu ciribtirto dalka Somalia ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.
Maxamed Yuusuf oo ah afhayeenka wasaaradda amaanka dowladda Somalia ayaa u sheegay wakaladda wararka dalka shiinaha Xinhua in dowladda Somalia ay ka caawin doonaan dowlado uusan carabaabin sidii ay ciidamada dowladda Somalia u adeegsan lahaayeen diyaaradaha Drones-ka loo yaqaanno.
Kooxda Al Shabab ayaa wali gacanta ku haayo deegaano kooban oo ku yaallo dalka Somalia waxaana qorshahaan cusub ay ciidamada dowladda Somalia ku adeegsan doonaan diyaaradaha Drones-ka ay tahay mid soo afjari doonto jiritaanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa dhowr jeer ka caawiyay ciidamada Somalia la dagaalanka ururka Argagixisada ah ee Al Shabaab islamarkaasna ay ku dileen weeraro diyaaradaha Drones-ka hogaamiyayaal ka tirsan AL Shabaab oo uu kamid ahaa hogaamiyihii Kooxda AL Shabaab Axmed Godane.
———
Tillbaka