Wakiilka Waramada Midoobay ee Somaliya Nicholas Kay oo la bedelayo.
24.11.2015 08:22Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in wakiil cusub loo magacaabay Soomaaliya.
Michael Keating oo ah diblomaasi British ah ayaa hawsha kala wareegi doona Nicholas Kay oo ay isku waddan ka soo jeedaan, kaasoo xilliga shaqadiisa ay ku eg tahay dhamaadka sannadkan.
Wariyeyaasah waxay sheegayaan in wakiilka cusub uu wajahayo mushaakil weyn oo ah in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay hore ugu sii socon lahayd oo doorasho uga dhici lahayd, walow ay jiraan weerarro sii soconaya oo ka imaanaya mintidiinta Al Shabab.
Mr Keating ayaa Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyay dalalka Malawi, Israel, Afghanistan iyo Pakistan. Waxa uu sidoo kale madax ka noqday xarunta cilmi baarista ee Chatham House ee London.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka