UK Oo Ambassador Cusub Usoo Magacowday Soomaaliya

17.03.2015 10:19

UK Oo Ambassador Cusub Usoo Magacowday Soomaaliya

70EE3B9A-4676-40EE-9E44-EFAE9D73D77B_w640_r1_cx0_cy3_cw0_s

 

Xafiiska arimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka UK, ayaa go’aan ku gaaray in Harriet Mathews ay noqoto safiirka cusub ee Soomaaliya, waxayna beddelaysaa safiirkii hore Niel Wigan.

Bayaanka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada UK, ayaa waxaa lagu sheegay in Harriet Mathews , ay xilka la wareegi doonto Bisha July ee Sanadkaan.

Harriet Mathews waa xeel dheere aqoon u leh arrimaha Africa, iyadoo madax ka soo noqotay xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabilsan bariga iyo Galbeedka Africa.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in leey magacaabo Safiirka UK ee Somalia, waxaan xooga saari doonaa sidii aan ugu shaqeyn lahaa inuu sii xogeysto xiriirka labada dal, Boqortooyada waxay door weyn ka qaadatay nabad ku dabaalida Soomaaliya, sharaf ayayna ii tahay inaan si shaqsi ahaan qeyb uga qaato nabad kusoo dabaalida Soomaaliya” ayay tiri Harriet Mathews.

Sidoo kale Harriet Mathews waxay madax u ahayd howshii UK ee la dagaalanka cudurka Ebola.

Harriet ayaa xilka safiirnimo ee Soomaaliya la wareegi doontaa bisha June.

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET