TAREEN GALAAFTAY NOLOSHA MUHAAJIRIIN U BADAN SOOMALI OO KU SOO JEEDAY QAARADA YURUB..

24.04.2015 22:36

tareen siday boqolaal rakaab oo kasoo baxay Magaalada Thessaloniki ee waqooyga Dalka Gariiga, ayaa waxa uu dilay Tahriibayaal u badnaa Soomaali.

Tareenkaani ayaa waxa uu kusii jeeday xiliga uu dhacaayay shilkaasi Caasimadda Dalka Serbia ee Belgrade, waxaana la sheegayaa in shilkaasi ay ku dhinteen inkabadan 13 qof oo isugu jira Soomaali iyo Afganistan.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay waqooyiga Dalka Macedonia, waxaana halkaasi durbadiiba gaaray gaadiidka gurmadka oo meydadka dhigay Isbitaal halkaasi ku yiilay.

Sidoo kale, dadkasi waxa ay ku sii jeedeen khaarada Yurub Waxana musiibadasi ay ku haleeshay Magaaladda Veles ee Macedonia.

Dhanka kale, Booliska ayaa xiray 8-ruux waxaana uu Afhayeenka Booliska Ivo Kotevski sheegay in dadkaasi Muhaajiriinta ay gaarayeen inta u dhaxeysa 30-40 qof.

 

warar sugan kala soco

shabakada calamigaa

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET