TALYAANIGA AYAA SHEEGAY INUU BAD BAADIYAY KU DHAWAAD 10KUN OO TAHRIIBAYAAL AH.

16.04.2015 21:13

Ilaalada xeebaha Talyaanigu waxa ay sheegayaan in ku dhawaad toban kun oo muhaajiriin ah la badbaadiyay todobaadkii tagay oo kaliya, iyaga oo isku dayayay in ay ku tahriibaan badda Meditareeniyaanka, waxaana maanta la badbaadiyay sagaal boqol oo qof.

Masiibadii ugu dambaysayna waxaa badda ku ku dhintay in kabadan afartan tahriibayaal ah oo safar ay Afrika kaga tageen kuna tagayeen Yurub ku jiray.

Kuwa ka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay degtay.

Warar kalena waxay sheegayaan in ciidamada booliska Talyaaniga ay xireen koox Muslimiin muhaajiriin ah oo ka yimid Ivory Coast, Mali iyo Senegal. Waxaa lagu eedeeyay inay doonta ka tuureen misiixiyiin Nigeria iyo Ghana ah kaddib markii uu qarxay dagaal ku saabsn diin.

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET