Wadamada Itoobiya Masar iyo Suudaan ayaa sixiixay heshiis hordhac ah oo ku saabsan qaybsiga biyaha wabiga Niil oo dalka Itoobiyana looga yaqaano Abaay, kaas oo mara saddexda dalba.
Arrin tani waxa ay timid iyada oo Itoobiya ay dhisayso biyo xireen koronto laga dhalinayo oo ay rajaynayso in ay hoos u dhigto Koronto yarida.
Saddexda Masuul ee dalalkaasi ayaa soo dhaweeyay heshiiskaasi iyaga oo khudbad ka jeediyay magaalada Khartuum.
Xukuumadda Masar waxa ay markii hore muujisay walaac ay ka qabtay biyo xireenkaasi dib u curashada oo ay ku baxayso in kabadan afar bilyan oo doolar.
Masar waxa ay kayaabanayd in dhismaha biyo xireenkaasi uu yareeyo biyaha ay ka hesho wabigaasi Niil.
inta badan Biyaha laga isticmaalo Masar oo dhan waxaa laga helaa Niil.
nagala soo xiriir
ganeyte5@gmail.com