R/WASARAHA SWEDAN STEFEN LÖVEN OO BAAJIYAY SAFAR UU KU TEGI LAHAY WADANKA BILJAM
19.03.2015 17:47Raysalwasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa waddanka Biljam, halkaasi oo uu kaga qaybgali lahaa shir uu midowga Yurub ku leeyahay.
Raysalwasaaraha ayaa safarkan beddelkii tegay magaalada Göteborg, si uu shacabka halkaasi ku dhaqan ula qaybsado dareenka adag ee ka dhashay israsaasayntii shalay keentay dhimashada iyo dhaawaca. Stefen Löfven ayaa berri booqan doona xaafadda Hisingen ee magaalada Göteborg si uu dadka halkaasi dhaqan ula qaybsado dareenkiisa.
Maanta galinkii hore ayaa sidoo kale la shaaciyay in wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman uu isna gaadhi doono magaalada göteborg.
Xigasho: Somaliska Radio
———
Tillbaka