Somaliya oo loo soo qaxay! Dooni ay la socdeen 32 ruux oo dalka Yemen u dhashay oo ku soo xiratay Dekeda Magaalada Berbera.

30.03.2015 18:25

Image result for somalida iyo tahrib

Dooni ay la socdeen 32 ruux oo dalka Yemen u dhashay, ayaa waxay ku soo xiratay Dekeda Magaalada Berbera, markii ay dalkaasi ka soo carareen.

 

Hay'adda UNCHR, ayaa waxay sheegtay in dadkaasi uu saamayn ku yeeshay qalalaasaha ka jira Magaalada Ticis, ee Koonfurta Yemen.


UNCHR, ayaa xaqiijisay in dadkaasi ay muddo 12 saacadood ku safrayeen xeebaha Yemen iyo Somaliland, iyagoo nabad-qabana ay gaareen Berbera.


Jabhadda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, ayaa toddobaadkii hore bilaa dagaal kula wareegay Magaalada Ticis, oo xiriirisa Magaalooyinka Cadan iyo Sanca.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa waxa uu UNCHR uu ka codsaday inay gacan ka geysato sidii dalka Yemen, looga soo samata bixin lahaa bulshada Somaliyeed ee ku nool.


Wasiirka oo la hadlay Idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA, ayaa xaqiijiyay in Dowladdiisu ay la socoto dhibaatada ka taagan dalka Yemen, isla-markaana ay dadaal ku bixineyso sidii loogu gurman lahaa Somalida Yemen.

 

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews.net

waxaad nagala soo xariiri kartaan

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET