SOMALI KA BARBAR DAGALANTA KOOXDA DAACISH OO AL-SHABAAB UGU BAAQAY INEEY KU SOO BIIRAAN.

22.05.2015 09:56

Dagaalyahaano Soomaali ka barbar dagaalanta Kooxda meylka adag ee Daacish ayaa baraha Bulshada kusoo bandhigay Baaq ay u dirayeen Hogaanka sare ee Kooxda Al-shabaab.

Dagaalyahaanadaani oo Baraha kusoo daabacay Muuqaal, ayaa waxa ay Kooxda Al-shabaab ugu baaqen inay kusoo biirto Xoogaga Daacish, waxa uuna Muuqaalkaasi Cinwaankiisu ahaa ''Fariin ku socota Muslimiinta Soomaaliya''.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqday Saraakiil Somalia ka barbar dagaalama Daacish oo inta badan ay aad u baadi goobayaan Sirdoonada Reer Galbeedka .

Waxaa dalabkooda kamida ahaa in Kooxda Al-shabaab ay ku dayato Kooxda dhigeeda ah ee Boko Haram-ta ka dagaalanta dalka Nigeria iyo garabyada ka kala dagaalanta Masar, Yemen iyo Libiya.

Saraakiisha fariinta soo gudbisay ayaa waxaa ka dhex muuqday Taymuulah Al-Somali oo ah nin araga la’ xili horana ku biiray Kooxda Daacish waxaana kamid ahaa Fariintiisa '' Fariintan waxay ka timid dhulka Khilaafada, waxayna ku socotaa Muslimiinta ku nool, dhulka aan jecel nahay ee Soomaaliya, walaalaheena la kulmay dulmi uga yimaaday Murtadiinta iyo Gaalada”

Sidoo kale waxaa fariintiisa kamid aheyd “Ogaada maanta inaa leedihiin dowlad iyo khilaafo islaami ah, sharaftiina ilaalineysa, qortana ka goyneysa kuwa idin dulmiyay, cadaab darana idin soo marsiiyay oo ah gaalada Itoobiyaanka iyo kuwa kale ee duulaanka ku ah dhulka Muslimiinta”

Waxaa Muuqaalka sidoo kale ka dhex muuqday Abuu Hamza Al-Somali oo isagana sheegay in haatan ay ka jirto Caalamka Khilaafo u istaagan inay xuduuda oogto, Gaaladana ka qaado Jizyo, waxaa uu xusay inay Umadda sharciga eebe ku xukumayaan si dhameystiran oo aan nusqaan laheyn, una istaagayaan Jihaadka sida uu yiri

Waxaa kamid ahaa hadalkiisa “Guusha dhan waxay ka timid xooga alle xageena kama imaan, kuwa run sheegayaasha ee dhulka Soomaaliya jooga, waxaa leenahay waa taas Khilaafada Islaamiga ee idinku soo dhow oo aad u ujeediin inay timid Nigeria, Jaziirada Carab, Yemen, iyo Masar, waa taas aad dareenteen ku soo dhowaada dowladiina”

Dhanka kale waxaan la Ogeyn Jawaabta kasoo bixi doonta Kooxda Alshabaab oo iyadu dhowr jeer isku khilaafay ku biirista Kooxda Daacish, maadaama ay ka fac weynyihiin.

Kooxda Daacish ayaa dhawaan la aasaasay, halka Alshabaabna ay dhowrsano jirsatay, waxaana suuragal ah in Alshabaab aysan ku biirin Daacish maadama ay ka horeysay.




 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
warar sugan kala soco 
shabakada calamiga
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET