SOCDAALKA JOHN KERRY EE MUQDISHO (Daawo Sawirada)
05.05.2015 21:37John Kerry, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda mareykanka , ayaa maanta booqasho rasmi ah waxa uu ku tagey Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyo kala duwana uu kulamo kula qaatay.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry.
Madaxweynaha oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa John Kerry uga warbixiyey xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga, Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka Ciidamada Xooga Dalka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa soo dhoweeyay horumarka dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyey hoggaamiyeyaasha Somaliya in ay sii dardar geliyaan dadaalkooda ku aaddan dhib u dhiska dalka.
Kerry, ayaa sheegay in Mareykanku uu billaabayo hannaan uu rasmi ahaan Muqdisho uga furanayo safaarad si rasmi ah u shaqeysa, Soomaaliyana laga taageeri doono dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha kale ee ay u baahan tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa sidoo kale si wadajir ah ula kulmeen Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfuur Galbeed Somaliya.
Wafdiga Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa kale oo uu la kulmay xubno ka socda ururada bulshada, ka hor intii aanuu ka amba bixin Magaalada Muqdisho.
———
Tillbaka