sirdoonka kenya oo qaxootiga somalida ku eedeeyay ineey ku lug leeyihiin hawlgalada alshabaab ka wadaan kenya.
01.06.2015 11:12Iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab sheegeen inay ka dambeeyeen weerarkii isbuucii hore lagu dilay, laguna dhaawacay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxay warar sheegayo inay Qaxootiga Soomaalida ku lug lahaayeen Hawlgalkaasi ka dhacay Deegaanka Yumbis.
Warbixin ay soo saareen Sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay inay haweeney ka mid ah Qaxootiga ku sugan Dhadhaab ay marti-gelisay Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku lugta lahaa weerarkii Yumbis.
Wargeyska The Nation oo soo xigtay Warbixinta Sirdoonka ayaa qoray in Haweeney lagu magacaabo Khadra Mohamed kana tirsan Qaxootiga ka diiwaan-gashan Xeradda Dhadhaab marti-gelisay Dagaalamayaashii Alshabaab ee geystay weerarkii Yumbis iyo miinadii lagu aasay jidka isku xira Tuulladda Faafi iyo Xagar-dheer.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in dad magacyadooda lagu kala sheegay Abdirahman Abu Hurey, Kaafi Ciiltire iyo Sheekh Yuusuf oo ka tirsan Qaxootiga Dhadhaab dhowr Qaxooti lala xiriirinayo inay door ku lahaayeen weerarkii Alshabaab ee ay sannadkii hore ka geysteen Degmadda Mandheera, laguna dilay 58-qof, waa sida uu Wargeysku qoray.
Warbixinta Sirdoonka Kenya waxay kaloo magacaabeen Cibaar Xareed iyo nin magaciisa lagu soo koobay Abdiweli oo Farmashi ku leh Xeradda Dhadhaab taageeraan Hawlgalladda Alshabaab.
Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay Dagaalamayaashii Alshabaab ee geystay weerarka ka geystay Deegaanka Yumbis iyo qarixii Tuulladda Faafi u baxsadeen Xeradda Xagar-dheer.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo caddaynayo inay Qaxootiga Soomaalida ku lug leeyihiin Hawlgalladda Alshabaab ka geystaan guud ahaan dalka Kenya, balse ay Saraakiisha Ammaanka ku eedeeyaan Qaxootiga, kadib, markii ay ku fashilmaan inay wax ka qabtaan Hawlgalladda Qorsheysan ee Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan Kenya.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka