Sirdoonka Kenya Oo Fashiliyay Weerar Ay Alshabaab Doonayeen Ineey
15.03.2015 19:38Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya, ayaa fashiliyay weerar qorsheeysan, kaasoo la doonayay in lagu qaado Suuq ay inta badan ka dukaameystaan ajaanibta ku nool magaalada Nairobi.
Weerarkan oo lamid noqon lahaa sidii kii Westgate ka dhacay 2013-kii, ayaa waxaa loo qabtay 3 ruux, kuwaasoo doonayay ineey fuliyaan weerarka.
War kasoo baxay sirdoonka Kenya, ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay ka tirsanaayeen raga la qabtay ee doonayay ineey weerarka fuliyaan.
Sidoo kale sirdoonka waxay sheegeen, in ragaan sadexda ah ee la qabtay ay xiriir la lahaayeen Aadan Garaar, oo ahaa sarkaal Alshabaab dhinaca sirdoonka u qaabilsan, kaasoo maalmo kahor diyaaradaha Droneska Mareeykanka ay ku dileen gudaha Soomaaliya.
———
Tillbaka