Siilaanyo oo jawaab siiyay Wasiiradii is casilay.

27.10.2015 09:02

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay is casilaadii shalay ay ku dhawaaqeen Wasiiro, Wasiir kuxigeen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in boosaskii ay baneeyeen uu sida ugu dhaqsiyaha badan dad kale ugu soo magacaabi doono.

“Is casilaada waxaa u arkaa dadka hadii ay la socon kari waayaan ama la jaan-qaadi waayaan maamulka dowladda ee jira iyo madaxtinimada inay is casilaan xaq bey u leeyihiin, dowladda iskuma adkeyneyso, halkooda dad kale ayaa galaya, dowladda waa madaxtooyo madaxweyne ayaa xukuma”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa beeniyay eedeymo ka soo yeeray Wasiiradii is casilay oo ahaa inuu dhex dhexaad ka noqon arrimaha Xisbiga Kulmiye, isagoo cadeeyay in aysan jirin cid uu garab siiyay, isla markaana Xisbiga uu leeyahay nidaam iyo sharci.

“Eedeymaha la ii soo jeediyay waa waxba kama jiraan, aniga cid aan garab siiyay ma jirto, Golaha dhexe ee Xisbiga ayaa shaqo ku leh xisbiga nidaam ayuu leehaya, halkii badi u bata ama cidii la doorta ayaa raacayaa”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada is casilay ay ikhtiyaarkooda isku casileen, isla markaana uusan xilligan isaga u fadhin, dad badan oo diyaar u ah inay isaga la shaqeeyaan ay jiraan, isla markaana cidii la shaqeyn karta ay la shaqeyneyso, cidii iska tagta ay iska tageyso sida uu yiri.

Wasiiro miisaan culus ku leh Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay iska casilay, markii uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhaxeeya Xisbiga Kulmiye ee la xiriira loolanka loogu jira cida musharax u noqoneysa Xisbiga.

warar sugan kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET