Shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo ka furmay Cadaado

16.04.2015 21:05

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe uu goor dhow ka furmay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeyay uu shirka furan yahay, waxaana uu ka dalbaday Odayaasha in muddo labo todobaad gudahood ku soo dhameystiraan Ergada soo dooran laheyd Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka dalbaday odayaasha in la doono dadka shirka ka maqan, lagana shaqeeyo dib u heshiisiinta, waxaana uu xusay in maanta loo fadhiyo in la doorto hogaan wanaagsan oo samata bixiya dadka ku nool gobollada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay maamulkan Gobollada Dhexe, waxaana uu ku baaqay in la isu tanaasulo, cid walba oo wax tabaneysa la tixgeliyo, lana dhageysto.

Ergada ayaa la sheegayaa inay ka koobnaan doonaan ilaa 510 ergo oo laga soo kala xuli doono ilaa 11 qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe.

Inkastoo shirka uu horu dhac ahaan furmay, hadana waxaa ka qeyb qaadanaya Odayaasha dhaqanka, kuwaasoo soo xuli doona Ergada dooran laheyd Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe.

Warar aanu ka heleyno Cadaado ayaa sheegaya in la xaliyay wixii kala aragti duwanaan ee jiray iyo arrimihii la isku hayay ee suura gelin waayay in shirka uu furmo, waxaana howsha shirka la wareegi doona Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinka dambe la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib markii uu labadii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Cadaado.

Waxaa ciriiri ah isgaarsiinta magaalada Cadaado iyo deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe, iyadoo roobabka ka curtay Gobollada uu saameyn ku yeeshay adeegii isgaarsiinta oo ah kuwo gebi ahaanba go’an, gaar ahaan Shirkaada Isgaarsiinta Hormuud oo ah tan loogu isticmaal badan yahay, hase ahaatee shirkaddo qaar oo ay ka mid tahay Nationlink ayaa meelaha qaar shaqeyneysa, balse si dhib ah ayuu qadka kugu galayaa.

Ammaanka xarunta uu shirka ka furmay ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ka hor inta aanu shirka furmin ka dhacay Cadaado banaan bax kooban, iyadoo rasaas ay ciidamada amniga kor ugu rideen dadkii isugu soo baxay.

warar sugan kalasoco

shabakada caalamigaa 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode