SHIRKA MAAMUL U SAMEEYNTA G/DHEXE OO LA FILAYO SAACADO KA DIB INUU KA FURMO CADAADO.
15.04.2015 11:47Shirka maamul u samaynta Dadka Dega Gobolada Dhexe oo Goordhow Furmaya
Shirka maamul u samayta dadka dega gobolada dhexe ee dalka oo goor dhow la filayo in uu ka furmo degmada cadaado ee gobolka galgaduud,
Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee Gobolka galgaduudayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay loogu jiro furitaanka shirkaas, wariyaasha Warbaahinta Qaranka oo ku sugan degmada cadaado ayaa soo sheegaya in si weyn loo adkeeyay Ammaanka xarunta shirka isla markaana goobta shirka uu ka furmayo ay ku sii qul-qukayaan Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya Diblumaasiyiin heer caalami ah iyo Ergooyin isaga kala yimid deegaanada gobolada dhexe ee dalka.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa dadaal ugu jira hanaankii uu shirka ku furmi lahaa iyo mudada uu soconayo, waxaana la filayaa in la shaaciyo inta uu soconayo shirka ,iyo habka loo marayo
waxii warar dheeraada kala soco runtanews.net
———
Tillbaka