Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya

24.02.2016 11:42

Shirka Diirad Saarida Arrimaha Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ka koobnaa qeybo kala duwan, waxaana shirkan ka qeyb galay Madax Soomaaliyeed, Madax ka socotay Beesha Caalamka iyo wakiilo ka socday Hey’ado caalami ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo si rasmi ah shirka u furay ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in mashaariic fara badan ka hirgeliyeen Soomaaliya, kuwa kalena ay soo wadaan.

Shirkan ayaa ka koobnaa qeybo kala duwan, sida qeybta Siyaasigada, qeybta Dhalinyarada, qeybta Ganacsiga iyo qeybta Haweenka, waxaana dhamaan shirarkaas si gaar ah looga hadlayay qeybaha uu shirka quseeyay, oo ay Mas’uuliyiinta Soomaalida ay kala matalayeen qeybahaas.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca Tamarta, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, waxaana Turkiga ka hirgelin doonaa Soomaaliya mashruuc Tamarta wax lagu soo saari doono sida biyaha in laga dhaliyo Koronto iyo adeegyo kale.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbinaynaa Sawirro ku saabsan shirka Istanbul oo aan idin soo xulnay:-

istanbul (1)istanbul (2)istanbul (3)istanbul (4)istanbul (5)istanbul (6)istanbul (7)istanbul (8)istanbul (9)istanbul (10)istanbul (11)istanbul (12)istanbul (13)istanbul (14)istanbul (15)istanbul (16)istanbul (17)istanbul (18)istanbul (19)istanbul (20)istanbul (21)

 

warar sugan kala soco runtanews.net

 
 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode