SHIL ARGAGAX LEG 13 SOOMALI AH OO LOO TAHRIIBINAYAY LIIBIYA OO GAARI KULA QALIBMAY SUUDAN.
09.03.2015 09:22Wararka ka imaanaya Magaalada Khartuum ee Caasdimada Dalka Sudan ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Duleedka Magaaladaasi ay ku dhinteen 13-qof Soomaali ah, kuwaa oo loo tahriibinayay Dalka Liibiya.
Gaariga shilka galay ay saarnaayeen dadka Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in uu ku socday si xowli ah, taasina ay keentay in uu shil galo ayna ku dhintaan Tahriibayaal badan oo hamigoodu ahaa in ay Yurub mar un gaaraan.
Qolyaha waxtahriibaya ayaa dadka Tahriib doonka ah waxa ay saaraan gawaari si sharci daro ah uga kaxeysa Dalka Sudan kuwaa oo dhinaca saxaraha ah ka galiya Dalka Liibiya oo iyana la sheego in Tahriibayaasha ay dhibaato xoogan kala kulmaan.
Dowlada Sudan ayaa dhawaan adkeysay dal ku galkeeda, waxa ay mamnuucday dadka sida sharci-darada ah ugu tahriibaya dalkeeda ama doonaya in ay sii maraan dalkeeda si ay uga sii gudbaan Dalka Liibiya .
shabakada runtanews.net
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka