SHEKH AHMED MADOOBE. SHARIIF XASAN SHEEKH ISAGOO SOO JEEDA YUU RIYOON

24.05.2015 15:04

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu si kulul uga hadlay Mooshin ka dhan ah baarlamaanka maamulka Jubbaland oo la horkeenay baarlamaanka dowlada Soomaaliya asagoona ku hanjabay hadii ay arintaas sii socoto inuu gebi ahaanba uu xiriirka u jari doono dowlada Soomaaliya islamarkaana uu kalsoonada kala noqon doono. 

Halkaan ka Daawo Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo si kulul ula hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan!!

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Mooshin laga keenay baarlamaanka maamulka Jubaland asagoona uu ku hanjabay inuu gebi ahaanba uu xiriirka u jari doono dowlada Soomaaliya hadii uu sii socda mooshinkaas ka dhanka ah Baarlamaanka Maamulka Jubaland, Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale waxaa uu fariin u direy gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed kaas oo uu kusheeay inuu kala saaro inuu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo inuu Qabiil uu matalo Sidoo kale ayuu Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu ka cdsadey madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed inuu ku ekeedo maamulkiisa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo madaxweynaha maamulka Jubaland uu caro weyn ka muujiyey Mooshinkaas ka dhanka ah Baarlamaanka maamulka uu madaxda ka yahay ayaa waxaa uu codsi ah inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan ainta Mooshinkaas uu u u direy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ilaa iyo markii lagu dhawaaqay Baarlamaankamaaulka Jubbaland ayaa waxaa jirey muran iyo is qabsi ku aadan qaabka loo dhisay baarlamaankaas iyadoona ay jiraan beelo tabanaayo in laga qadiyey xaquuqdii ay ku lahaayeen ka mid noqoshada Baarlamaanka maaulka Jubbaland. 

 

Xigasho all banaadir.

 

warar sugan 

kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET