Sheekh Xasan Turki oo geeriyooday iyo Afhayeenka Al-Shabaab oo xaqiijiyay geeridiisa
28.05.2015 21:20
Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii aas aasay xarakooyinkii Islaamiga ahaa, kana tirsanaa Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa geeriyooday, kadib xanuun in muddo ah hayay.
Wadaadkan ayaa ku geeriyooday da’da 73 sano jir, waxaana la sheegay inuu ku geeriyooday deegaanka Hargeysa Yarey ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Xasan Turki ayaa sidoo kale aas aase ka ahaa Mucaskarkii Raaskamboono, halkaasoo in badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab lagu soo tababaray.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa xaqiijiyay geerida Sheekh Xasan Turki, waxaana uu xusay in Sheekha uu saddex jeer oo hore uu la kulmay Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usama Bin Landen.
Sheekh Xasan Turki ayaa waxaa doon doonayay Mareykanka, waxaana la sheegay inuu loo heystay xiriirka dhow uu la lahaa Al-Qaacida.
warar xaqiiq ah
kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka