Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Shabaabku waxaaay dilayaan cid kasta oo somaliya (Daawo Sawirada)
13.06.2015 10:45Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed, kuwooda ugu waaweyn, ayaa waxa uu dhaliilay Ururka Al Shabaab, oo si weyn kaga soo horjeedo Dowladda Somaliya.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay inay Shabaabku dilayaan cid kasta oo Soomaali ah, xilli aan la garanayn waxa ay dadkaasi ku beegsanayaan.
Waxa uu soo hadalqaaday dilalka iyo qaraxyada ay ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho, isagoona muujiyay Shabaabku in ay weerar ku yihiin shacabka Somaliyeed.
“Magaalada Xamar oo 100% Muslim ah in la yiraahdo qof walba hala dilo sheekh hala dilo Shariif hala dilo kii dowlo ka socoda hala dilo bamboo suuqa hala dhigo wasaarad hala weeraro. War dadkani goormey gaaloobeen?” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqay inaanay la shaqayn Ururka Al Shabaab, haddii ayba ka hor yimaadeen Sharciga Alle. Shareecada Islaamka waxay diiday in xaqdaro dadka lagu dilo.
Sidoo kale wuxuu soo hadalqaaday shacabka Somaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, xilli dagaalo ay dalkaasi ka soconayaan, wuxuuna ku baaqay in Masaajida lacago loogu uruuriyo Somalida laga soo daad guraynaayo dalkaasi.
“Dadka Soomaaliyeed oo Yemen joogga oo dagaalka cir iyo dhul kaga socoo, shalayna la lahaa dad baa lagu laayay oo masaakiin ah. Soomaali oo dhan waa ay u gurmanaysaa Masaajida waa in ay lacago soo uruuriyaan, oo ay ka qaybgalaan gurmadka. Dadka Saaladda imaanaya, ay ka qaadaan lacag, taana waa idin ka codsanayaa.” Ayuu yiri Sheekh Gurxan.
Sheekha, ayaa hadalkan maanta ka sheegay Masaajidka Daawada oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, xilligii Salaadda Jimcaha oo boqolaal ruux ay dhageysanayen.
———
Tillbaka