SHEEKH NUUR BAARUUD GURXAN “AL SHABAAB XASUUQA SHACABKA WAA WAX AY CAADO U LEEYIHIIN DIINTA ISLAAMKUNA MA QABTO”
16.03.2015 14:20Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falkii lagu xasuuqay dad isku qoys ahaa oo ku noolaa deegaano ka tirsan Gobollada Gedo iyo Shabeellaha Hoose, isagoo ku eedeeyay in falkaas ka dambeeyeen Al-Shabaab.
Wareysi uu siiyay raadiyaha dowladda ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay mar walba caadeysteen inay xasuuqaan shacabka, waxaana uu ku tilmaamay dilalkii ka dhacay Qoryooley iyo tuulo hoos tagta degmada Luuq ay yihiin mid ka baxsan Diinta Islaamka.
“Dhamaan falalkaas waxashinimada ah waxay ka baxsan yihiin diinta Islaamka, Al-Shabaab waxay caadi ka dhigteen xasuuqa shacabka, tan kale falalka ay dadka ku leynayaan Diinta islaamka raad kuma lahan”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in sida kaliya ee Shabaab looga adkaan karo ay tahay in shacabka iyo dowladda ay si wada jir ah ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, isla markaana loogu tago meelaha howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.
“In la dabar gooyo ayaa kooxdan lagu baabi’in karaa, waayo waxa ay u dagaallamayaan ma ahan mid diinta Islaamka ay shaqo ku leedahay, waxaa kaloo jirta in Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah ay caadi u leeyihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Degmooyinka Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose iyo Tuulo hoos tagta degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay dilal loo geystay dad isku qoys ahaa, inkastoo dilka ka dhacay Qoryooley lagu sheegay inuu ka dambeeyay nin ka soo goostay Al-Shabaab, halka Al-Shabaabna ku tilmaameen inay ka dambeeyaan maleeshiyooyin taabacsan Madaxweynaha Koofur Galbeed.
WARAR SUGAN XIGASHO IYO XAQIIQ AH
KALA SOCO RUNTANEWS.NET
———
Tillbaka