Shabaab oo maanta dilay 60 askari oo Kenyan ah, markii ay dagaal ku qabsadeen Xerada Degmada Ceelcadde
15.01.2016 17:53Ururka Al Shabaab, ayaa waxay aroornimadii hore ee saakay ay weerar qorsheysan ku qaadeen Xerada Ciidanka Militariga Kenya, ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Illaa afar gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray Xeradaasi, waxaana qaraxyadaasi lagu jebiyay albaabka hore ee laga galo Xerada, waxaana xigay ciidan dhinaca dhul ah oo weerar toos ah ku galay Xeradan.
Boqolaal askari oo Ciidanka Kenya ka tirsan oo xilligaa hurday, ayaa waxaa ku adkaatay inay u babac-dhigaan Shabaabkii soo weeraray, waxayna isaga carareen Xeradoodi. Xoogaga Al Shabaab ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta fariisimahoodaasi.
Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in dagaalka lagu dilay in ka badan 100 askari oo Ciidanka Kenya ah, iyadoo tiro kalana looga dhaawacay, halka hub badana looga qabsaday.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay iyagu ogyihiin dhimashada 60 ka mid ah Ciidanka Kenya, tiro kaloo intaa ka badana ay kaga dhaawaceen weerarka.
Abuu Muscab, ayaa waxaa uu tibaaxay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu naafeynaayay buu yiri cadowga ku soo duulay Somaliya.
Maxamed Xuseen Isxaaq (Alqaadi), Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo, ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 35-40 askari oo ka tirsan Ciidanka Militariga Kenya.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Kenya, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dagaal qaraar uu maanta ka dhacay Degmada Ceelcadde, sidoo kalana uu jiro khasaaro labada dhinacba ah.
Wararka galabta laga helaayo Degmada Ceelcadde, ayaa waxay sheegayaan in Ururka Al Shabaab ay weli ku sugan yihiin Xerada Ciidanka Kenya iyo qaybaha kale ee Degmada Ceelcadde.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka