Sepp Blatter oo markii shanaad dib loogu doortay Madaxtinimada FIFA.

29.05.2015 22:12

Xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa dib u doortay Sepp Blatter, waana markii shanaad oo uu ku guuleysto tartanka Madaxtinimada xiriirkan, iyadoo dib u doorashadiisan ay ku soo beegantay, xilli uu jiro fadeexad musuq maasuq ah oo hareysay FIFA, kadib xarigii todobo xubnood oo ka mid ah Madaxda Xiriirkan.

Sepp Blatter ayaa dib loogu doortay in uu hogaamiyo ururka FIfa oo haatan ay hareysay qalalaaso dhinaca laaluushka iyo musuqmaasuq.

Doorsho goor dhow la soo gabagabeeyay ayaa uu Blatter ku guuleystay kadib markii wareegii labaad ee tartanka uu isaga haray musharixii la tartamayay ee Amiir Ali bin al-Hussein.

Blatter ayaa hogaamin doona xiriirka kubbada cagta caalamka isagoo siddeetan sano jir ah sanad kadib guushan uu gaaray. Ruugcadaagan mudada dheer soo hogaaminayay Fifa ayaa 133 cod helay wareegii koowaad iyadoo 7 dhibcood uu ka hoos maray tiradii uu u baahnaa inuu wareega hore si taas ah ugu guuleysto halka musharaxa la tartamayay Amir Cali uu ka helay 73 cod.

Hase ahaatee Amiirka dalka Jordan u dhashay  ayaa  goostay in uusan wareegga labaad gelin tartanka. Sepp Blatter ayaa loogaga fadhiyaa inuu dhayo boogaha FIfa iyadoo xiriirka kubbada cagta Yurub ee Uefa uu diidanaa in mar kale uu hogaanka qabto Blatter.

Qaar ka mid ah wadamada qaarada Yurub ayaa hore ugu hanjabay in ay qaadici doonaan tartamada ciyaaraha adduunka haddii markale la doorto Blatter. Balse illaa hadda waxaa laga wardhowrayaa sida uu noqon doono xiriirka kubbada cagta FIfa iyadoo haatan xabsiyada ay ku jireen 7 kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareeysay.

fifa dorasho (4)fifa dorasho (6)fifa dorasho (7)fifa dorasho (10)

Mr Blatter oo 79jir ah ayaa loogu baaqay inuu iscasilo waxana ka mid ahaa dadkii ku baaqay inuu xilka ka dago ra’iisal wasaaraha David Cameron.

Doorashada ayaa waxa ay ka dhacday xarunta kongreska ee magaalada Zurich iyadoo 140 cod uu u baahnaa tartamaha inuu helo wareegga koowaad.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode