"SAWIRO"BAASABOORKA SOOMALIYA OO KA AWOOD BADSHAY KUWA ETHIOPIA IYO JABUUTI.

19.04.2015 13:57

Qiimeyn dhanka awoodda baasaboorrada waddama dunida ah oo dhowaan las ameeyay ayaa lagu ogaaday in baasaboorka Soomaaliga uu leeyhaya ixtiraam ka badan baasaboorrada wadama Ethiopia, Djibouti, Ciraaq, Afghanistan iyo lix dal oo kale.

Soomaaliya iyo  Eritrea oo jaantuskaan meel fiican kaga jira, marka la eego dhibaatooyinka dhaqaale iyo dagaallada ay kasoo kabsaneyso Soomaaliya ayaa waxaa baasabooradooda lagu booqan karaa si visa la’aan ah ama visaha garoonka laga siiyaa ilaa 39 dal.

 

Qiimeynta ayaa waxaa lagu saleeyay tirade waddamada ay muwaadiniinta baarabooradaasi sita ay booqan karaan iyaga oo aan dal-ku-gal sidan, ama ay visa-ha ka heli karaan gegida diyaaradaha.

 

Arrinkaan ayaa xiriir laleh dhaqdhaqaaqa dhanka dublamaasiyadda ee dowladaha, dhaqaalaha waddamada, ama hodontinimada muwaadiniintooda iyo awoodda dhanka siyaasadda ah oo ay waddamdu ku kala horeeyaan.

 

Warbixin ay soo saartay shirkadda Arton Capital oo ka shaqeysa in ay baasaboorro wadamo kale usoo saarto dadka hodonka ah iyada oo u mareysa barnaamijyo gaar ah oo loogu talagay mal-gashadaayasha waaweyn ayaa sheegtay in Baasaboorrada Mareykanka iyo UK ay yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida iyadoo logu safri karo 147 dal.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in baasaboorrada waddamada: South Sudan, Solomon Islands, Palestinian Territories, Sao Tome and Principe iyo Myanmar ay yihiin kuwa ugu liita marka dhanka safarka laga hadlaayo oo ay booqan karaan kaliya 28 dal.

 

Waddamada : Nepal, Afghanistan, Djibouti, Iraq, Ethiopia oo ay Soomaali badani ku safraan ayaa iyagana meel hoose kaga jira qiimeynta oo waxa ay booqan karaan 38 dal.

 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sandkii 2014, waxa ay yareeysay safaaradaheeda ku kala yaalla qaaradaha Asia, Afrika iyo Yurub, sababo la xiriira dhanka kharashaadka ku baxaya safaradahaan oo ay dowladdu awoodi wayesan, waana arrin sababi kara in uu hoos u dhaco matilitaan dublamaasiyadeed ee jamhuuriyadda.

 

Dhanka hoose ka aqri jaantuska oo sawirro wata:

 


  • U.S., U.K. (147 Waddan ayaa si fudud loogu safri karaa)

 

 


  • France, South Korea, Germany (145 Waddan)

 

 


  • Sweden, Italy (144 Waddan) 

 

 


  • Denmark, Singapore, Finland, Japan, Luxembourg, Netherlands (143 Waddan) 

 

 


  • Switzerland (142) 

 

 


  • Congo (Dem. Rep.), Yemen, Central African Republic, Kosovo (41) 

 

 


  • Somalia, Eritrea (39) 

 

 


  • Afghanistan, Djibouti, Iraq, Ethiopia, Nepal (38) 

 

 


  • South Sudan, Solomon Islands, Palestinian Territories, Sao Tome and Principe, Myanmar (28) 

 

 

Xigasho: CNN

warar sugan kala soco

shabakada caalamigaa 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode