"DAAWO SAWIRO" WARARKII UGU DANBEEYAY EE WEERARKA KOOXDA AL-SHABAAB KU QAADEEN JAAMACADA GAARIASA KENYA
02.04.2015 19:17Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Weerarkii Kooxaha Hubeysan ay ku qabsadeen Jaamacadda Gaarisa ee Magaalada Gaarisa.
Wararku waxa ay sheegayaan inay sii kordheyso geerida Ardayda weli ku dhexjirta gudaha Jaamacada, waxaana la sheegayaa in Ciidamada Amaanka ay weli dhaafi la' yihiin qeybta hore ee Jaamacadda.
Joseph Nkaissery, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya, ayaa wuxuu xaqiijiyay in ka badan 500 oo arday ah, in lagu dhex heysto Xarunta Jaamacadda Magaalada Garissa.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garissa, ayaa sheegay in Jaamacaddu ay dhigtan 815 arday, lana soo badbaadiyay 282 ka mid ah, iyadoo inta kalana sida uu sheegay lagu heysto Jaamacadda.
Waxa uu sheegay in Khasaaraha dhimasho uu sii kordhaayo islamarkaana hadda gaaray 21, waxa uuna xusay in inta badan dadka dhintay ay sababsadeen dhiigbax, welina ku dhexjiraan gudaha Jaamacadda.
Dhanka kale Dhismaha Jaamacadda Garissa, ayaa waxaa xilligan ka soconaya iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo ragga hubeysan, ee ardayda ku dhex heysata Jaamacadda.
Ugu yaraan 21 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay in weerarkasi lagu dilay, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.
warar sugan kala soco
runtanews.net
waxaad nagala soo xariiri kartaan
ganeyte@gmail.com
———
Tillbaka