SAWIRO SOOMALI KU GEERIYOOTAY SHILKA TAREEN OO KA DHACAY MACEDONIA.

25.04.2015 14:22

Ugu yaraan 14-qof oo Muhaajiriin Soomaali iyo Afgaanistaan u dhashay ayaa ku geeriyooday dalka Macedonia, kadib markii dadkaan oo ku lugeynaayo wadada tareenka uu ku yimid tareen, sidaasina ay ku geeriyoodeen.

Muhaajiriintaan ayaa doonaayay inay gaaraan qaar ka mid ah wadamada Yurub,sida Warbixinta Maamulka deegaanka shilka uu ka dhacay kasoo baxday, waxaana la sheegay in wadaha tareenka uu xakameyn waayay, markii uu arkay dad wadada tareenka ku lugeynaya, sidaasina dadkaan ay ku dhinteen.

“Wadaha Tareenka ayaa arkay dad badan oo wadada tareenka ku jira wuxuu qaatay isku day uu ku joojinayo tareenka, xitaa wuxuu adeegsaday Siiriga ama hoonka tareenka, laakiin wuu awoodi waayay inuu joojiyo halkaasi ayay ku dhinteen dadka”sidaasi waxaa lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta dalkaasi.

Xafiiska Xeer ilaalinta dalka Macedonia, ayaa xaqiijiyay in wax dhaawac ah ama dhibaato ah aysan soo gaarin dadkii saarnaa Tareenka oo la sheegay inuu ku sii jeeday Dalka Serbia.

Train-ka ayaa ku sii jeeday  Magaalo madaxda dalka Serbia ee Belgrade waxaana uu ka yimid Magaalo ku taala dalka Greece oo lagu magacaabo Thessaloniki.

Kooxaha gurmadka ayaa dadaaladooda waxaa regaadiyay dhibaatooyin ay kamid yihiin goobta shilka uu ka dhacay oo ah meel lug kali ah lagu geli karo.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan shaacisay inay geeriyoodeen dad gaaraya 800 oo ruux, kuwaasi oo ku dhintay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

553aab598cd62.image 728d6a94113f81dda35a7496d842398c94f1bb6e 1429907898610 (1) 1429907898610

 

 

 

warar sugan kala soco

runtanews.net

 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET