Sawiro laga helay Weerarkii lagu laayay Ciidanka KENYA & Askar badan oo maqan.

16.01.2016 13:00

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo Ee Koofur Galbeed Soomaaliya wali waxaa la la yahay Raq iyo Ruux Tobaneeyo ka tirsan Ciidamada KDF,ta ee Kenya,kuwaas oo ku sugnaa Xero Milatari oo AMISOM ay ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

 

Mas’uuliyiinta Degaankaasi iyo kuwa Gobolka Gedo intaba ayaa sheegaya in ay jiraan Ciidamo Duurka ku maqan,kuwaas oo ka baxsaday halka uu Dagaalku ku qabsaday.

 

Sidoo kale waxaa jira Diyaarado Helicopters ah oo Miyaga ka baadi goobaya Firxadka Ciidamada Kenya ee la weysan yahay.

 

Dhanka kale Al-shabaab ayaa soo bandhigay Guutadii Weerartay Fariisinka Ciidamada Kenya ee Ceel-cadde,kuwaas oo sheegay in lagu Magacaabo Saalax Nabhaan oo ahaa Hogaamiye ka tirsanaa Shabaab oo Diyaaradaha Mareykanka ay ku dileen Soomaaliya gaar ahaan Meel aan ka fogeyn Degmada Baraawe.

 

Shabaab ayaa sheegay in Ciidamadooda Weerarka qaaday ay yihiin kuwo ay ugu Magac dareen Saalah Cali Nabhaan oo ka soo jeeda Kenya duqeyn diyaaradeedna lagu dilay.

photo2016-01-1503-17-26 12510344_10208733386720373_3648349983767991958_n 12507268_10208733387680397_7161879619931143347_n

Shabakada runtanews.net

warar sugan kala soco

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET