Saraakiisha maamulka k/galbeed oo soo bandhigay 3 ka mid ah meydadka raggii weeraray Madaxtooyada Baydhabo (Daawo Sawirada)

12.03.2015 15:57

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Amisom, ayaa waxay soo bandhigeen meydadka saddex ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa, ee maanta weeraray Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Ragga soo weeraray Madaxtooyada, ayaa watay labiska Ciidanka Militariga Somaliya, taa oo meesha ka saartay in looga shakiyo mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey), ayaa sheegay in raggaasi ay soo xirteen dareyska Ciidanka Militariga Somaliya.

Xoogaga Shabaab, ayaa qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Madaxtooyada Baydhabo, ha yeeshee waxaa ka hor joogsaday Ciidamada Militariga ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

C/fataax Geesey, ayaa ku waramaya in weerarkaasi lagu dilay Shabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo tiro kalana sida uu sheegay gacanta lagu dhigay, lana baarayo.

Qoraal ay soo saartay Al Shabaab oo baahiyay Idaacada Andalus, ayaa lagu sheegay tiradii loogu talla galay in ku dhimato weerarkaasi ay ku dhimatay, halka tiradii kalana ay ka baxsadeen aaggaasi, ka dib weerarka Madaxtooyada.

Ilo wareedyo madax bannaan, ayaa xaqiijinaya inay baxsadeen ugu yaraan saddex ka mid ah Shabaabkii weeraray Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo bartilmaameydku uu ahaa, ayaa goor dambe laga kaxeeyay Madaxtooyada, iyadoona la geeyay Garoonka Baydhabo.

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Baydhabo la fashiliyay, isla-markaana uu wanaagsan yahay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Amb. Kay, ayaa weerarkaasi ku timaamay mid qayb ka ah xasilooni darada ay Shabaabku ka wadaan dalka Somaliya, iyagoo ka soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka Somaliya.

Si kasta ha-ahaatee weerarkan, ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 8 ruux, oo dhinacyadii uu iska horimaadku dhex maray ah, halka laba ruux oo shacab ahna ay ku dhaawacantay.

Saddex askari oo Hay’adda Nabad Suggida ka tirsan oo kaxeeyay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo la qabtay, ayaa kula qarxay, xilli ay magaalada ka saarayen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa xaqiijiyay geerida saddexda askari.

Shabaab1 Shabaab2 Shabaab3 Shabaab4 Shabaab5


Nagala soo xiriir 
ganeyte5@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET