Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ay fulisay Diyaarad Drone ah duleedka Baardheere

16.07.2015 20:34

dronesKolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lala helay Gantaal ay riday diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka uu leeyahay ee Drones.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka dhacday duleedka degmada Baardheere, waxaana la rumeysan yahay in labo xubnood oo muhiim ah lagu bartilmaameedsaday.

Saraakiisha la beegsaday ayaa ka tirsanaa garabka Milateri ee Al-Shabaab, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu kala magacaabo Ismaaciil Jabhad iyo Jaamac Dheere.

Wararka ay qorayaan warbaahinta caalamiga ayaa sheegaya in duqeyntan ay dhacday saakay salaadii subax, xilli gaariga ay la socdeen saraakiishan uu marayay meel ku dhow Baardheere oo dhaq dhaqaaqyo ciidan uu ka jiro.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax aad u xoogan, iyadoo durbadiiba goobta wax ka dhaceen ay isku gadaameen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga ay la socdeen saraakiisha Shabaab oo qaabilsanaa dhinaca Milateriga uu gebi ahaanba bur buray, waxaana la sheegay in isgaarsiinta deegaanka hawada laga jaray.

Ma jirto wax war oo ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka lagu baahiyay wararka ku saabsan duqeyntan ay geysatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones.

Duqeyntan ayaa timid, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baardheere.

Dhowr jeer oo hore ayaa duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka uu ka fuliyay Koofurta Soomaaliya waxaa lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

warar sugan kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET