Sacuudiga iyo Sweden oo khilaaf xun ka dhex qarxay + go’aan lama filaan ah
11.03.2015 16:33Boqortooyada dalka Sucuudi Caraabiya ayaa u yeeratey maanta oo Arbaca ah Safiirkii u fadhiyey dalka Sweden sidaas waxaa Joornaalka DN u xaqiijiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden.
Anna Ekberg oo u hadashey Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sweden ayaa sheegtey in Safiirka dalkiisi looga yeeray, waa qaabab loo muujiyo Diblomaasiyadda xumaatey waxaana ku rajo weyn nahay in uu dib u soo laabto.
Go’aanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa daba socda, kadib markii Raysalwasaaraha Sweden maalintii shalay ku dhawaaqey in Sweden ka baxayso heshiiskii dhanka hubka ee ay kula jirtey Sucuudiga marka la gaaro muddada heshiiska waxaana uu meesha ka saarey in aan Sucuudiga loo cusbooneysiineyn sidii horey u dhici jirtey.
Xiisadda labada dal ayaa ka soo bilaamatey iyada oo dalka Sweden marar badan ku canbaareeyey Sucuudiga sida uu ugu tunto xuquuqda aadanaha, waxaana ay Xiisaddu cirka isku sii shareertey markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallström lagu casumey shirkii jaamacadda Carabta maalintii isniinta Qaahira si ay uga jeediso khudbad, waxaana ka hor istaagey in ay hadal jeediso Sucuudiga, iyaga oo kaga jawaabaya canbaareyntii Sweden.
Sanadkii hore bishii Oktober ayaa dalka Sweden si rasmi ah u aqoonsadey dalka Falastiin,waxaana ay noqdeen dalkii u horeeyey reer galbeedka ah oo ka tirsan Midowga Yurub oo Falastiin u aqoonsada dal madaxbanaan.
Waxaa la aaminsan yahay in dalka Sweden dhaqaale badan uga dhumayo heshiiska ay ka baxayaan, halka dalka Sucuudigu uu si weyn u isticmaalo hubka iyo agabka Milteriga ee dalka Sweden iyaguna ay ku waayi doonaan taageeradii, tababaradii Wershadaha sameeyey qalabka ay haystaan.
Waxaa socda dedaal ay waddo jaamacadda carabtu kaas oo dib loogu hagaajinayo xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Sweden.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ku saleeysan kalo soco runtanews.net
———
Tillbaka