Rai'sul Wasaaraha Somalia oo booqday Madaxtooyada Kenya lana kulmay Uhuru Kenyata (Daawo Sawirada)
08.11.2015 10:43Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid iyo wafdi uu hogaaminayay oo labadii maalmood ee lasoo haafay ku sugnaa Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata.
Cumar Cabdirashiid ayaa shalay booqasho ku tagay Qasriga Madaxtooyada Kenya waxa uuna halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, labada masuul ayaana ka wada hadlay arimo dhoor ah ay ugu muhiimsaneed dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya kunool.
Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa saacadaha soo aadan in ay kusoo laabtaan Magaalada Muqdisho ayna ka warbixiyaan safarkii ay ku tageen Xerada Dhadhaab iyo kulankii uu R/Wasaaraha la qaatay Madaxweynaha Kenya.
Warar Sugan Kala Soco Runtanews.net
———
Tillbaka