Ra"iisul Wasaaraha Sweden Löfven" Qaxootiga faraha badan ma qaabili karno"
26.11.2015 09:40Dawladda ayaa dhawaan shir saxaafadeed ku sheegtay in ay shuruudaha ku sii adkeeynayso qaxootiga waddanka yimaada, tusaalahan in kaadhka aqoonsiga ah dadkan laga dalbado marka ay soo raacayaan basaska amba tareemada Iswiidhan ku soo socda.
Sido kale in lacagta loo yareeyo dadkan markey Iswiidhan yimaadan, islamarkaas la gaabiyo wakhtiga ay dadkni qoysaskooda ku codsan karaan. Stefan Löfven oo shirkan saxaafadeed la qabtay Åsa Romson, raii´sal wassare ku xigeenka, ayaa halkan ka sheegay in caruurta waddanka sharciga ka codsata da´dooda si gaar ah loo baadhayo mustaqbalka.
Dawladda ayaa iyaduna go´aamisay in sharci meel ku gaadh ah la dhabeeynayo sannadka dambe. Qeynuunadan ayaa laga bilaabo 1 bisha april sannadka dambe shaqeeynaya. Sharciyada maanta la soo dejiyay ayaa meel ku gaadh ah. 2 ilaa 3 sanno ayuu sheegay Löfven.
Bil ayaa ka soo wareegtay intii ay dawladdu soo dejisay dhowr sharci, tusaalahan in xuduudaha la ilaaliyo, islamarkas na dadkan laga dalbado kadh aqoonsi ah markuu qofku Iswiidhan soo galayo amba doonta ka soo raacayo Jarmalka.
Hasayeeshe kuwan ayaan shaqeeyn. Weli dhowr kun oo qaxooti ah ayaa Iswiidhan tododobaad kasta sharci ka codsada, tiro ay dawladdu doonayso in ay dhinto. Xaalada Iswiidhan ka jirta ayaa keentay in ay dawladdu maanta sharciyadan cusub soo dejisay.
-Ujeedada ayaa ah in shuruudaha dadkan lugu adkeeyo, qaxootiga na la dhimo, sidaas waxa sheegay qof aan doonayn in magaciisa la sheego, hasayeeshe dawladda ka hawlgala.
warar sugan kala soco runtanews.net
Isha/Ekot,SVT,DN
———
Tillbaka