Raiisul Wasaaraha oo soo bandhigay qorshihiisa

09.05.2015 19:14

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdiashiid Cali ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dhaqan gelin doonto qorshooyin uu maanta soo hor dhigay baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aan xilligeeda la gaarin.

Cumar Cabdirashiid ayaa maanta baarlamanka federaalka ka akhriyay qorshe hawleedka xukuumaddiisa oo faahfaahsan kadib markii ay sidaasi codsadeen gudiga joogtada ah ee baarlamanka.

Ra'isul wasaaraha ayaa balan qaaday markii xukuumaddiisa la ansixanayay bilowgii sanadkan in uu baarlamanka horkeeni doono qorshaha uu ku wajahayo xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee wadanka waqtiga dawladdan uga harsan jiraataankeeda oo ku eg bisha Augast 2016.

Ra'isul Wasaare Cumar ayaa khudbadda uu baarlamanka ka jeediyay ku sheegay in mudadii sedexda biloow ahayd ee la soo dhaafay ay xukuumaddiisu wax ka qabtay dhinacyo ay kamid yihiin amniga, diyaarinta sharciyo dhawra, iyo dhismaha gudiyo muhim u ah hiigsiga 2016.

Ammaanka dhismaha baarlamanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la xiray dhamaan wadooyinka soo gala, waxana gawaarida dadweynuhu isticmaalayeen wadooyin kale.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET