Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Cadaado furayna wajiga labaad ee shirka cadaado.
31.05.2015 19:53Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, xilli ay ka amba baxeen Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo labaduba horey ugu sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa ku soo dhaweeyay wefdig Ra’iisal Wasaaraha.
Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha waxaa loo kaxeeyay hawlka Kafaalo oo maanta la fillaayo in si rasmi ah uu kaga furmo Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.
Cumar C/rashiid, ayaa sida uu yoolku ahaa daahfuri doono wejiga 2-aad ee shirka, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii hore ee April uu furay wejigii 1-aad ee shirka.
Xukuumadda waxay culeys xoogani saaraysaa qabsoomidda doorashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, xilli ay la doonayso shakhsi si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Somaliya.
Ergada Gobolada Dhexe waxay marka hore soo dooran doontaa Madaxweynaha, iyadoo shaqada labaad ay qaban doonaana ay tahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, ansaxinta Calanka, Caasimadda iyo Dastuurka.
Bisha June ee kaabiga inagu soo hayso, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka