R/Wasaaraha Swedan Löfven oo ka faalooday falkii Sacuudiga ee jaamicadda carabta.

10.03.2015 14:01
Margot Wallström (S), Sveriges utrikesminister, om Saudiavtalet. Foto: TT
Margot Wallström (S), wasiirka arrimmaha dibadda Sweden. Sawirle: TT

Isniintii ina dhaaftay ee shalayto oo laga joojiyey wasiirka arrimmaha dibadda Margot Wallström (S), khudbad lagu casumay inay ka jeediso kulanka wasiirrada arrimmaha dibadda ee jaamicadda carabta uga furmay magaalada Qaahira, midkaasina oo uu ka dambeeyey maamulka dalka Sacuudiga, ayuu saaka ka faallo ka bixiyay madaxa dawladda Sweden, Stefan Löfven, oo u warramay laanta Gomorron ee idaacadda la iska daawado ee Svt.

Margot Wallström ayaa lagu casumey kulankaa iyada oo la siiyay darajada marti sharaf culus, isla-markaana ey khudbad ka jeedin lahayd kulanka wasiirrada arrimmaha dibadda ee jaamicadda carabta uga furay magaalada Qaahira. Iyadoona ey wasiiraddu khudbaddeeda kaga warrami lahayd aqoonsigii uu dalkani aqoonsaday Falastiin iyo dhanka sinnaanta, hase yeeshee saacaddii ugu dambeeysay uu maamulka Sacuudiga oo aan ka helin dhaleeceeyntii dalkani u jeediyay xaaladda xuquuqda bani'aadamka ee Sacuudiya ka aloosan uu hor is-taagay.
- Margot Wallström ayaa casumaad ka haysatay kulanka. Waana fal aan wanaagsanayn in laga hor-istaago. Hase yeeshee ma jiraan wax kale oo aannu ka qaban karno in kolka aannu khalad aragno laga geleyo xuquuqda bani'aadamka. Waa fal aannu ku tallaabsanney oo aannu taageersannahey, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S).

Siday tallaabadaasi u saameeynaysaa go'aanka dawladda ee heshiiskii dalkani la lahaa Sacuudiga oo dhowaantan go'aankiisa la fileyo?
- Heshiiska Sacuudiga sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan dib uga hadli doonnaa. Hase yeeshee waxaa muuqata in maalmihii ugu dambeeyey ey soo baxeen dhabbooyin kala duwan oo looga fekeri karo go'aankaa.

Löfven ayaa dhanka kale sheegay inuu aamin-san yahay in heshiiskaasi uu yahay heshiis aan sahlaneyn, hase yeeshee aanu heshiiskaasi u ekaan doonin sidii uu horay u ahaa.
- Dhaleeceeyntayada dalka Sacuudiga waxay ahayd mid cad. Waxaan kaloo sheegay in heshiisku aanu sidii hore u ekaan doonin. Heshiis baase naga dhexeeya, waan heshiis mustaqbalka fog. Midda aannu og-soonnahey waxay tahay in is-bedel lagu sameeyn doono. Is-bedelladu waxey yihiin dib ayaan uga hadli doonnaa, sida uu sheegay Löfven.

Madaxa dawladda Sweden ayaa ku celceliyey in is-bedelku noqon doono mid ilaaliyaha danaha dalkan Sweden intii awooddooda ah.

Dad badan ayaa aamin-san in Sweden haddii aanay heshiiskaa dhammaantii ka bixin ay ku ceeboobi doonto.
- Sidaan horayba u sheegay, sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan uga hadli doonnaa. Sida ugu dhakhsiyaha badan ayaan jawaab uga bixin doonnaa.

Maxaa loo doonin in wada-shaqeeyn lala yeesho Sacuudiga dhacdadaa dabadeed?
- Sidaan horay u sheegayba waan soo ban-dhigi doonnaa go'aankayaga. Heshiis ayaa dalkaa naga dhexeeya sida waddammada caalamka oo dhan, halka waddammada qaarkood ey khalad u arkaan sida aannu u dhaqanno. Laakiin uma baahnin dhanka kale in aannu xaaladda ka sii cakirinno, sida uu sheegay Stefan Löfven, madaxa dawladda Sweden.

xigasho: Somaliska Radio

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET