Qoxooti Yemen kasoo qaxay oo Bosaso buux-dhaafiyay iyo UN-ta oo kaam boqol kun qaada dhiseysa: SAWIRRO

17.04.2015 19:35

Qoxooti Yemen kasoo qaxay oo Bosaso buux-dhaafiyay iyo UN-ta oo kaam boqol kun qaada dhiseysa: SAWIRRO
 
Mudo sadex isbuuc gudeheed ayaa waxaa magaalooyinka Berbera iyo Bosaso ee waqooyiga iyo bariga Soomaaliya soo buuxdhaafiyay qoxooti Yemeniyiin ah kuwaas oo dagaalada dalkooda ka socda kasoo cararay.


Maalmo gudohood ayaa waxaa magaalada Bosaso soo gaaray qoxooti ku dhow labo kun, kuwaas oo doomo kala duwan ku yimid.

Dhanka kale hay`adda qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay ka dhiseyso magaalooyinka Bosaso iyo Berbera kaamam qoxooti oo qaada boqol kun oo qoxooti ah.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaallo sokeeye, waxaana intaa u dheex in xulufo uu horkacayo Sucuudiga ay duqeymo xagga cirka ah ka wadaan dalkaasi.

warar kii ugu danbeeyay 

kala soco shabakada 

caalamigaa

runtanews.net

 

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET