QAXOOTI YEMAN AH OO GAARAYA 250 RUUX AYAA GAARAY DEKEDA BER BERA
19.04.2015 13:13 Qaxooti ka cararaya colaadda dalka Yemen iyo duqeynta dhinaca cirka ah oo xulufo ay bahoobeen dalka Sacuudigu ka wadaan Yemen, ayaa gaaray magaalada Xeebta leh Ber-bera.
Soomaliland ayaa horey u marti gelisay tiro kale oo qaxooti ah oo dalka Yemen u dhashay oo tagay dhowr todobaad ka hor magalada Berbera.
Qaxooti Soomaliyeed oo horey ugu qaxay Yemen ayaa iyagana dhankooda tagay magaalada kale ee xeebta leh ee Boosaaso, halka Puntland ay marti-gelisay qaxootigaas oo badankoodba u soo gudbay gudaha Soomaaliya oo ay horey uga tageen.
WARAR SUGAN KALA SOCO
RUNTANEWS.NET
———
Tillbaka