Puntland oo ka hortimid ansixinta, Guddiyada doorashada iyo xuduudaha Federaalka
08.05.2015 19:49Maamulka Puntland ayaa sheegay in uusan aqoonsaneyn, Guddiyada Doorashada iyo kan Xuduudaha Federaalka oo shalay ay meelmariyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya, kaasi oo sidoo kale qorshaha uu yahay in loo gudbiyo Barlamanka si loo ansixiyo ama loo diido.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ‘’Camay’’ ayaa waxa uu sheegay in Puntland aysan wax shaqo ku lahayn Guddiyadaasi oo uu sheegay in uu yahay mid ay isku koobtay Dowladda oo dhankooda aan wax wadatashi ah lagala sameyn.
“Arrintaani waxa ay ka horimaaneysaa Dastuurka oo sheegaya in Guddiyada Doorashada iyo xuduudaha Federaalka laga qeybgaliyo wadatashigooda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka taasina waa la baalmaray, Puntland waxba kama oga waxa la sameeyay” ayuu yiri Cameey.
Toddobaadkaan ayay ahayd markii Guddoomiyihii Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya Caasho Geele Diiriye ay ka tagtay shaqadii,kadib markii ay sheegtay inay jiraan Caqabado badan oo fashil ku keenaya shaqada loo igmaday.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka