Nin Cunsuriya oo seef ku weerararay iskuul ku yaalla Magaalada Trollahättan ee galbeedka dalka Swedan.

23.10.2015 09:29
Nin ku hubeysan seef ayaa weeraray iskuul ku yaalla magaalada Trollhättan oo u dhow magaalada Goteborg ee dalka Sweden.
Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday  macallin iyo arday dhowr ardayna dhaawac ayaa kasoo gaaray iyadoo  iskuulkana ay ka kala carareen ardaydii iyo macalimiinta.
Ninka weerarka soo qaaday oo da’da labaatameyda lagu qiyaasay ayaa waxaa toogtay booliska, waxaana gaaray dhaawac halis ah isagoo markii dambe dhaawacaas ugu geeriyooday isbitaalka.
Iskuulka la weeraray ayaa ahaa mid ay wax ku bartaan arday u badan ajaaniib, waxana dadka wax ku noqday weerarkan ay dhamaantood ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada carabta.
Ardayda dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ku jira wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa ardayda iskuulkaasi wax ku baranayay. Waxaana dugsigaas wax ka barta arday faro badan oo dadka Soomaalida ka soo jeeda ee ku nool dalka Sweden.
Ninka weerarka qaaday oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay in ninkan uu ahaa nin aan hore loo aqoon balse aad u taageersanaa Naziga Jarmalka.
Booliska Swden ayaa baaritaan ku sameeyay guriga ninkan uu degenaa,
 
Ra'iisalwaasaaraha Sweden, Stephen Lofven, ayaa ka hadlay sida uu uga naxay, isagoo sheegay inay maanta maalin madow ay u tahay Sweden.

 
 










 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode