WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO BEESHA CAALAMKA OO ISGA SOO HULEELAY CADAADO KADIB MARKII LA ISKU MARI WAAYAY INUU SHIRKA FURMO MAANTAY

15.04.2015 18:14

Nicholas Kay oo ka tagey Magaalada Cadaado, kuna laabtay Magaalada Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha dalka Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa wuxuu galabta uu ka laabtay Magaalada Cadaado, isagoona dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Wakiilka, ayaa maanta Magaalada Cadaado u tagey sidii uu kaga qaybgeli lahaa furitaanka Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, markii leesku mari waayayna uu go’aansaday inuu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa waxa uu kulamo kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Deegaanka iyo Maamulka Ximan & Xeeb. Dadka deegaanka oo sharuudo soo hordhigay Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay taasi dhalisay in dib u dhac uu shirkii ku yimaado.

Qodobka ugu weyn ee leesku mari la’yahay, ayaa ah in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe uu si ku meel gaar ah kaga hawlgalo Magaalada Cadaado, mudada loo doortay xilka, halkii uu ka hawlgeli lahaa Magaalada Dhuusamareeb, oo Madaxweynaha Somaliya uu u aqoonsaday Caasimaddii Gobolada Dhexe. Dadka reer Cadaado waxay ku baaqeen in Madaxweynaha labaad ee la soo dooran doono uu ka hawlgalo Dhuusamareeb, laakiin uu midka 1-aad ka hawlgalo Cadaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeysanaaya in Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe lagu caleemo saari doono Magaalada Dhuusamareeb, halkaana uu ka hawlgeli doono.

Wakiilka Urur Goboleedka Igad u qaabilsan dalka Somaliya Amb. Maxamed Cabdi Afey, ayaa sidoo kale waxa uu galabta uu ka laabtay Magaalada Cadaado, markii uu dib u dhac uu ku yimid shirkii la fillaayay in Arbacada maanta ah, uu ka furmo Cadaado.

Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ku qancineyso dadka reer Cadaado, si Cadaado ay u martigeliso Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

warar sugan kala soco 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET