Naasnuujinta "waxay kordhisaa caqliga carruurta"
18.03.2015 23:28Du kan skriva här...
Cilmi baaris laga sameeyay dalka Brazil ayaa muujineysa in ilmaha mudada dheer la naasnuujiyo ay caqli ahaan, waxbarasho ahaan iyo dhaqaala ahaanba ka wanaagsanaadaan kuwa kale.
Waxaa la rumeysan yahay in maadooyin ku jira caanaha naaska hooyada ay gacan ka geystaan kobcinta caqliga carruurta.
Kevin Fenton, oo madax ka ah rugta caafimaada England ayaa sheegay in naaska hooyada uu sidoo kale carruurta ka badbaadiyo caabuqa sambabaha iyo caloosha ku dhaca.
Cilmi baaristan oo lagu soo daabacay wargeyska arrimaha caafimaadka ee Lancet ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiri karaan arrimo kale oo ka qeyb qaata caqliga carruurta.
———
Tillbaka