WAXAAN AHAY MUSLIM ADUUNKUNA WUXUU IGU SHAABADEEYEY ARGAGAXISANIMO HADII AAD I GU KALSOON TAHAY HAB I SII" DAAWO FIDIYOWGAN ADAA ILMEYN DOONEE.

09.03.2015 09:14

Gabar geesiyad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Helsinki ee dalka Finland oo la yiraahdo Maryan ayaa iyada iyo wiil kale oo Muslim ah oo lagu magacaabo Sadek waxay muujiyeen kalsooni si ay ula dagaalamaan naceybka iyo cunsurinimada dadka Muslimiinta loogu geysto Finland iyo dalalka kale ee Yurub.

Maryan iyo Sadek oo indhaha iska xeray ayaa waxay soo istaageen goob dadku ku badan yihiin oo laga dukaameysto, waxay soo qaateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo lagu difaacayay Islaamka oo ay ka mid ahaayeen in Islaamka Argagixiso aheyn, hadaad kasoo horjeedo hab isii iyo erayo kale.geesiyad-gabarQof walba oo Muslim iyo Gaal intba isugu jiray ee wadada marayay waxay ku yaaceen gabadha iyo wiilka oo hab wada siinayay, ilaa aakhirkii ay gabadha Soomaaliyeed la ilmeyso tallaabada lagu farxo ee ay sameysay iyo dareenka ay u muujiyeen dadka wadanka u dhashay.

 
 
 
 
Shabakada Runtanews.net
Xafiska Swedan
ganeyta@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET