MUHAJIRIIN SOMALI IYO YEMEN KA SOO CARARAYwarar sugan kala soco DAGAALKA YEMEN OO SAAKAY SOO GAARAY DEKEDA BERBERA
23.04.2015 13:14Waxaa saakay Dekeda Magaalada Berbera ku soo xirtay markab ay la socdeen Soomaali iyo dad dalka Yemen u dhashay, xilli ay ka soo carareen dagaalada ka sii soconaya dalkaasi.
Markabkan, ayaa ka soo amba baxay Dekeda Magaalada Mocha, wuxuuna muddo 10 saacadood uu ku soo jiray badda, iyadoona uu ugu dambeen uu saakay ku soo xirtay Dekeda Berbera.
Xukuumadda Somaliland iyo Shaqaalaha Hay’adda UNHCR, ayaa dadkaasi si qurux badan leh ugu soo dhaweeyay Dekeda Magaalada Berbera, waxayna xilligan ku sugan yihiin Magaaladaasi.
Markabkan oo magaciisa lagu sheegay NOVA1, ayaa waxa sidoo kale la socday dad u dhashay dalka Yemen, oo qudhoodu ka soo cararay dagaalada dalkoodu ka soconaya.
Saraakiisha, ayaa waxay sheegeen in tirada guud ee markabkaasi la socotay ay dhan tahay 450 qof, waxayna noqonaysaa tiradii ugu badneyd oo mar qura soo gaarta Dekeda Berbera, tan iyo markii duqeymaha ka dhanka ah dalka Yemen ay bilowdeen, daba yaaqadii bishii hore ee Marso.
Boqolaal qof oo Soomaali iyo Yemeniyiin isugu jira, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay soo gaaray Dekeda Magaalada Berbera, halkaasoo soo dhaween diiran loogu sameeyay.
———
Tillbaka